General Morgan Sannadkii 1949 ayuu Sarreeye Gaas Maxamed Siciid Xirsi Moorgan ku dhashay degmada Qardho oo markaas ka tirsanayd Gobolka Bari. Waxbarashadiisa Hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay dugsiga hadda loo yaqaan Xaaji Mire oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari. Kadib wuxu u wareegay magaalada Muqdisho halkaas oo uu Waxbarashada dugsiga Sare ka dhammaystiray Iskoolkii lagu magacaabi jiray ALLAAH. Sannadkii 1967 ayuu ku biiray Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed islamarkaana uu si rasmiya u bilaabay Shaqada u adeegga Qaranka Soomaaliya. Tababarro kala duwan oo heerkoodu sarreeyo ayuu ku soo qaatay dalalka Russia iyo Maraykanka oo uu ku soo bartay kulliyadda loo yaqaan Staff college. Ciidanka Madaxtooyada Qaranka ayuu mudda 7 sano ah kamid ahaa gaar ahaanna Ilaalada Khaaska ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Dhammaan xilalka uu soo maray waxa uu ka soo qabtay dowladdii Kacaanka ee Madaxweyne Jaalle Siyaad oo dalka ka talinaysay mudda 21 sano ah. Gen. Moorgan wuxuu soo noqday Taliyihii Qaybta 26-aad ee Gobolka Waqooyi Galbeed Hargeysa. Taliyaha Madaafiicda Goobta iyo Taliyaha Qaybta 21-aad ayuu sidoo kale soo noqday waxaana markii danbe loo magacaabay wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga. Sidoo kale wuxu soo noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Wasiirka Gaashaandhiga Qaranka. W/Q: Cabdiraxmaan Ciise

Leave a comment

Design a site like this with WordPress.com
Get started